Biyo dhaamin aan u sameeyney reer Hiiraan

Biyo dhaamin aan u sameeyney reer Hiiraan

Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne magaalada Beledweyne, ayaa wajahayay biyo la’aan adag oo soo food saartay, kaddib markii uu biyo-yareeyay webiga Shabelle oo inta badan ay ku tiirsanaayeen ceelasha kala duwan ee biyaha siiya Xaafadaha Magaalada.

Muuqaalka, midabka iyo dhadhanka biyaha wabiga ayaa is badallay taasoo shaki badan ku abuurtay dadka oo looga digay in ay cabaan xiligaan biyaha Webiga oo laga yaabo in ay ka dhashaan cuduro kala -gadisan.

Shabelle Foundation Organisation ayaa ku tilmaantey dhibaatada biyo-la’aaneedta ka taagan Magaalada Baladweyne, mid indhaha laga daboolan karin sidaas darteed waxaan garannay in Dadka biyo nadiif ah la soo gaarsiiyo si looga maarmo cabida biyaha Webiga, dhowr booyadood oo biyo ah ayaan subax kasta kasoo qaadnaa ceelka deegaanka Ceel-gaal Annagoo si bilaash ah ama lacag la’aan ah ugu qaybina xaafadaha Baladweyne, gaar ahaan xeryaha ay degan yihiin dadka dan-yarta ah.

Displaced children carry plastic cans in search of water.

Hay’ada Shabelle Foundation ayaa shacabka ugu digtey isticmaalka biyaha wabiga Shabeelle isla markaana laga fogaado cabitaan biyaha wabiga si looga dhaxlin cudurro iyo dhibaatooyin kale.

Hay’ada Shabeele Foundation ayaa qeylo dhaan u dirtey Madaxda Gobolka iyo kan Federaal si loogu soo gurmado dadka hoy la’aan heeysato